27.9 C
Mogadishu
Thursday, August 28, 2025

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay kulankii Xasan iyo wafdiga Imaaraadka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan ayaa ka dhalatay kulankii shalay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ku dhex-maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Shakhboot bin Nahyan.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga qotodadheer ee ka dhexeeya labada dal, iyada oo si gaar ah loo eegay dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga.

Sidoo kale, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa intii kulanka lagu guda jiray Madaxwaynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay dhambaal khaas ah oo uu uga siday Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada, waxyaabaha laga wada hadlay waxaa ku jirta arrinta Suudaan oo Imaaraadku si toos ah ugu lug leeyihiin.

Wasiiru dowlaha maanta Muqdisho yimid waa masuulka galka arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Imaaraadka, socdaalkiisa ayaa ku soo aaday, iyadoo maalin kahor Muqdisho yimid Taliyaha Sirdoonka Suudaan G/Sare Axmed Ibraahim Cali Mufaddal, oo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliye Mahad Salaad kula shiray Villa Somalia, arrintaas oo la sheegay in Imaaraadka ay ka caroodeen.

Haddaba sidee looga fal-celiyay kulanka Xasan Sheekh iyo wafdiga Imaaraadka Carabta?

Cabidraxmaan Cali: ” Carab wax la qaabilo ma’ahan iyo wax waqti lagu dhumiyo ee muu ka dhaco!!!”

Daahir Minishiibiye: “Anaga wasiiru dowle ma qabno miyaa marka madaxwaynaheennu Waziiru dowle la kulmaayo?”.

Cumar Cabdullahi: “Dowladda wax kastoo kale ha iska walaaqato laakiin qadiyadda SUUDAAN waa in ay is garab taagtaa xilligan adag, walibana ay cod dheer ugu hiiliso”.

Armaan Xassan: “Carabta waa munaafiqiin Whli Saciid Dani iyo Cabdirahman Cirro iyo Xasan Sheikh isku dirayaan maahan camal kale”.

Bashiir Xuseen Xasan: “Hadda maxaad ileedihiin Soomaaliya dhaxdhaxaad waaye miyaa?”.

Ibraahim Axmed: “Suudan waa walaal iyo Sxb joogto ah,UAE Kama amaan heleysid wax walba oo sameyso”.

Maxamed Nuur: “Emaaraat maxaa naga quseeya maba aqoosana dowladnimadeenee Suudaan waa walaalaha Soomaliada oo sax ah”.

 

- Advertisement -

Read more

Local News