Muqdisho (Caasimada Online) – Falcelin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay fashil ku yimid kulan gaar ah oo xalay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta ku dhex-maray Villa Soomaaliya, kaas oo kusoo dhammaaday isfaham la’aan, kaddib markii Madaxweynuhu diiday in wax siyaasadda arrimaha gudaha ah laga hadlo.
Kulankan oo daba socday go’aankii ay Israa’iil ku sheegtay Jimcihii inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan, arrintaas oo diidmo iyo carro xooggan ka abuurtay caalamka ayaa Madaxweynaha Soomaaliya siyaasiyiinta uu la kulmay u sheegay in qodobadii ay Kismaayo ka soo saareen ay jawaabtiisa helayaan ka hor 20-ka Janaayo 2026, sida ay dalbadeen. Hase yeeshee, wuxuu adkeeyay in arrimaha soo kordhay si gooni ah garab loogu istaago, oo meel la dhigo siyaasadda gudaha, maadaama halis ay soo wajahday dalka.
Intaas kadib xubnaha Madasha ayaa taas diiday, waxayna Madaxweynaha u soo jeediyeen in la gaaro heshiis siyaasadda gudaha ah, oo dalka uu u furo “baal cusub” oo lagaga baxo dhammaan galalka lagu kala aragti duwanaa ee kala qaybiyay dalka.
Waxay u soo jeediyeen inuu si rasmi ah uga laabto wax-ka-beddelladii uu ku sameeyay dastuurka, ka laabto doorashada ay ku tilmaameen “hal dhinac ah”, kuna dhawaaqo shir qaran oo loo dhan yahay.
Madaxweynaha ayaa dhankiisa ku adkaystay go’aamadiisii hore, wuxuuna sheegay in aan siyaasad lagala hadli karin kulanka, isla markaana aan la joogin xaalad siyaasadeed oo dood loo furo, taasoo keentay in aan waxba la isku raacin.
Haddaba sidee looga falceliyay fashilka ku yimid kulanka Xasan iyo mucaaradka?
Axmed Cumar: “Si kaste oo siyaasada loogu kala duwanyahay qaranimada markay timaado hala midaysnaado”.
Zakariye Gantaal: “Fadhiga loogu yeeray marna ma daarneyn arintay lasoo fadhiisteen waana ku ceeb walaahi, Xisaabta dhexdeena waxaa ka culus mida Yahuuda”.
Cabdikariin Bulshaawi: “Sawir iyo hadal lama rabee ficil qaran baa lagaa rabaa”.
Saciid Xadaari: “Dalka waxaa halkaa kala geeyay waa siyaasadda xun ee jid iyo jiho la’aanta ah ee ka jirta koonfurta”.
Yuusuf Nasiib: “Madaxwaynow kuwii shalay qaaqliyaal ku tilmaamaysey bal cawa siday muhiim u yihiin fiiri. Dalkaan isku duubni iyo tashi halagu wado”.

