Muqdisho (Caasimada Online ) – Fal-celin aan caadi ahayn iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay tallaabadii ay dowladda Soomaaliya ku cambaaraysay weerarkii gantaallada ee ay Iiraan ku qaadday Saldhigga Al-Udeid ee dalka Qatar oo xarun u ah ciidamada Mareykanka, iyadoo ku tilmaantay weerarkaas mid ku xad-gudbaya sharciga caalamiga ah, khatarna ku ah xasilloonida gobolka.
War-saxaafadeed la soo saaray saacado kaddib dhacdadaas, ayay Soomaaliya “taageero buuxda” ugu muujisay dowladda Qatar, iyada oo dhanka kale kasoo horjeesatay Iiraan.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kae mar kale ku celisay sida ay u garab taagan tahay madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo amniga qarannimo ee dalka Qatar.
“Soomaaliya waxay si adag uga go’an tahay nidaam caalami ah oo ku dhisan sharci, kaasoo ku qotoma ixtiraamka madaxbannaanida dalalka, xuduudaha aan la taaban karin iyo in khilaafaadka lagu xalliyo si nabad ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibedda.
Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya waxay ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, waxayna adkaysay muhiimadda wada-hadalka si looga hortago xiisad hor leh oo ka dhalata gobolka.
Haddaba, sidee looga fal-celiyay tallaabada ay qaaday dowladda Soomaaliya?
Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay arrintan, waxayna badankood kasoo horjeesteen sida ay dowladda uga hadashay arrintaan.
Amiin Xuseen: “Cambaareyn nuucee ah, maxey ku saleysan tahay? Dowaladda horay ma u cambaareysay duqeynta loo geystay Iran iyo saraakiishii laga laayey?. Intaas haddey maya tahay, sheekada waan garan karnaa cambaareynta dawladda waxa gundhig u ah. Lacagta yar ee yabooha carabta lagu helo ah waxaa ka wanaagsan qiyamka iyo qaddiyadda”.
Nuura Gaashaan oo kamid ah dadka ka fal-celiyay ayaa tiri: “Nin tiisa tabar u la, tu kale ku darsdaa maqli jiree wlaalayaalow aad idin ceshto”.
Maxamuud Guure: “Dowladda Soomaaliya dhex dhexaadkii lagu ogaa meeyay”.
“Hadalkaas laguma matalo shacabka Soomaliyeed, Iiraan ayaan la dareen nahay,” ayuu yiri Axmed Xiimaa.
Ayaan Cabdi Maxamed ayaa sidoo kale waxa uu yiri: “Please meel jooga annaga ma heesano gantaallo”.
Bashiir Mukhtaar: “Xasanow annagaa Shabaab la daala dhaceneyno ee meel kale rukub hanasiin arrintan dhex-dhexaad ka ahow”.