Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa cod dheera ku beeniyay wararka sheegaya in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay mooshin kawadaan Xukuumada.
Kheyre waxa uu sheegay inaanu jirin mooshinka la sheegay in Xildhibaanada ay ka diyaarinayaan Xukuumada, balse ay jiraan shaqsiyaad gaara oo faafinta wararka been abuurka ah ka leh ujeedo gaara.
Kheyre waxa uu wax kama jiraan ku tilmaamay inuu khilaaf u dhaxeeyo Baarlamaanka iyo Xukuumadda, waxa uuna taa bedelkeeda sheegay in wada shaqeyn wanaagsan u dhaxeyso Hey’addaha dowladda.
Dadka qaar ayaa qaba in Xildhibaanada baarlamaanka ay wadaan mooshin ka dhan ah Xukuumada Somalia, waxa ayna haddalka Kheyre ku sheegen mid lagu beer laxawsanaayo Xildhibaanada.
Waxa ay dadku qabaan in Ra’isul wasaare Kheyre uu dabagalaayo haddal laba maalin kahor ay warbaahinta ka sheegen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka kaa oo lagu beeninaayo mooshinka Xukuumada.
Dadka arrinkaasi qaba ayaa waxaa kamid ah Axmed Maxamuud Seyr oo kamid ah dadka aadka u falanqeeya Siyaasada Somalia oo kasoo jeeda deeaanada Koonfur Galbeed, waxa uuna carabka ku adkeeyay in haddalka Kheyre uu ku beeninaayo mooshinka uu yahay mid Xildhibaanada lagu tusaayo wanaaga ku jira in la dafiro waxyaabaha qalqal Siyaasadeedka u abuurikara bulshada Qaranima doonka ah.
Waxa uu ku nuux-nuuxsaday inay muhiim tahay in bulshada laga qariyo wax waliba oo niyad jab galinkara, wuxuuna haddalka Kheyre ku sheegay mid wanaagsan, walow uu dhankiisa ka qiray inuu jiro mooshinka.
Xildhibaanada uu Kheyre ku feelay ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaan C/laahi Sheekh Ismaaciil iyo Xildhibaan Cismaan Daalo oo ka tirsan Baarlamaanka, kuwaa oo si mideysan sida RW Kheyre u dafiray mooshinka.
Taa bedelkeeda waxa ay sheegeen in wada shaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda uu yahay mid wanaagsan, iyaga oo meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee ah in Mooshin uu jiro.
Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa sheegay inay rajeynayaan in shaqada u dhaxeysa Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay noqoto mid sare u kacdo, lagana shaqeeyo danta shacabka.
Si kastaba ha ahaatee, Haddalka Kheyre ayaa muujinaaya in Xukuumada ay weli diyaar u tahay in Isfahan la’aanta jirta ay wadahadal kala yeelato baarlamaanka Somalia.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

