Fanaan BK: Madaxweynuhu wuxuu igu yiri Xiddigihii Geeska ku noqo + Video

Hargeysa (Caasimada Online) – Fannaankii hore ee Xiddigaha Geeska ee magaalada Hargeysa, Maxamed Saciid BK ayaa wareysi cusub oo uu bixiyey wuxuu kaga hadlay waayihiisa cusub iyo isbeddelka noloshiisa, kadib markii uu isaga baxay gebi ahaan Fanka.

Maxamed BK oo u warramay MM Somali TV ayaa ka sheekeeyey dhacdooyin xiiso leh oo soo maray intii uu ku jiray Fanka iyo hadda sida ay tahay xaaladdiisa nololeed.

Ugu horreyn wuxuu soo hadal qaaday kulan dhex-maray isaga Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay wada kulmeen, kadib markii uu shaaciyey inuu ka baxay Fanka.

BK ayaa shaaca ka qaaday in markii ay wada kulmeen Madaxweynaha inuu ka dalbaday in uu dib ugu soo noqdo Xiddigaha Geeska ee ka dhisan magaalada Hargeysa.

“Markii u dambeysay waxaan ku kulanay Hargeysa waxa ay aheyd markii aan ka imid London waxaa ii yeeray Cali Waran Cadde, dabadeedna madaxweynuhu wuxuu igu yiri waxaad ku noqotaa Xiddigihii Geeska, halkaas ayuu ugu buush gareynayey, teedna anniga waxaan ku iri maya, kuma noqonayo,” ayuu yiri Fannaankii hore ee Maxamed Saciid BK.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in isaguna uu ka dalbaday inuu taageero isbeddelka cusub ee ku yimid nololshiisa, gaar ahaan kooxda uu dhisay ee la dagaalanka qabyaaladda.

“Team-kaan kale ee la dagaalanka qabyaaladda ayaan wataa dee kaa aniga igu taageer baan ku iri, maalintaas ayaa igu dambeysay,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale mar wax laga weydiiyey intii uu Fanka ku jiray wiixii ugu dhibka badnaa ee uu la kulmay ayuu sheegay in mar isagoo qayilaya shaax loogu daray Sunta Waraabaha, si loo dilo, balse wuxuu tilmaamay in la dhigay isbtaalka ugu dambeyna uu Ilaahey bad-baadiyey.

“Sunta Waraabaha ayaan cabay, laakiin Ilaaheybaa iga bad-baadiyey markaasaa igu darneyd. Shaaxbaan aad u jeclaa ayaa la’iigu daray” ayuu markale yiri Maxamed BK.

Halkan hoose ka daawo wareysiga oo dhammeystiran:-