Hargeysa (Caasimada Online) – Alle u naxariistee waxaa shil gaari oo xalay ka dhacay magaalada Hargeysa ku geeriyooday Fanaankii caanka ahaa Safwaan Halac, sida ay xaqiijiyeen ehelladiisa iyo qaar kamid ah Fanaaninta ku sugan deegaannada Somaliland.
Marxuumka ayaa dhawaan uun ka yimid dalka dibaddiisa, gaar ahaan dalka Jarmalka oo uu muddo dheer ku noolaa, wuxuuna xalay galay shil gaari oo uu ku waayay naftiisa.
Safwan ayaa ahaa Fanaan caan ah oo codkiisa la jeclaa, wuxuuna kusoo caan baxay heeso u badan Jaceyl oo uu gaar ugu luqeeyay iyo kuwa kale oo uu lasoo qaaday Fanaaniin kale.
Waa geeri xanuun badan, waxaana si weyn tacsida marxuumka loogu baahiyay baraha bulshada , maadaama ay aad uga naxeen dadka Soomaaliyeed.
Qaar kamid ah Fanaaniinta caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa ka hadlay geerida Safwaan Halac, waxayna Eebbe uga baryeen inuu ka waraabiyo Jannadii Firdsowso.
“Rabbi ha u naxariisto walaalkeen Safwan Halac ehelka, asaxaabta iyo shacabka Soomaaliyeedba samir iyo iimaan” ayuu yiri Fanaanka Dalmar Yare oo qoraal soo saaray.
Fannaanka caanka ee Nimcaan Hilaac ayaa isna yiri “Alle ha Janneeyo walaalkeen Safwaan Halac إنا لله وإنا إليه راجعون”
Horay waxaa sidaan oo kale shilal gaari ugu geeriyooday dad caan ah oo ay ku jiraan Fanaaniin, kadib shilal halis badan oo ka hacay deegaannada maamulka Somaliland.
Ma cadda sababa soo celceliyay shilalka khasaaraha badan gaysta ee ka dhaca Hargeysa iyo deegaanada u dhow, haddana warbixinnada Booliska ee mar kasta lasoo saaro ayaa lagu caddeeyaa dhimasho iyo dhaawac badan oo ka dhasha shilalkaasi oo soo noq noqday.