Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta magaalada Muqdisho Waxaa soo gaaray Fanaanada Caanka ah ee Hibo Maxamed Gudoon (Hibo Nuura) iyadoona maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Fanaanada Garoonka diyaradha Magaalada Muqdisho.
Waxaa Soo dhaweynta fanaanada ka qeyb qaatay Xildhibaano Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan Maamulka Gobalka Banaadir iyo qaar kamid ah abwaanada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho.
Maxamed Yuusuf Cismaan, Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in tani ay muujinayso amniga caasimada oo sahlaya dib ugu soo noqoshada dalka Soomaaliya fanaaniinta,maadaama dalka horumaro kala duwan uu gaaray.
Hiba Nuura oo dhankeeda Saxaafadda la hadashay waxay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay imaatinkeeda Magaalada Muqdisho,shacabka Soomaaliyeedna ugu baaqday in mar un la heshiiyo si Soomaali ay uga faa’iideesato kheyraadka dalkeeda dhexyaala.
Inkastoo Hibo Nuuro Maanta Muqdisho lagu soo dhaweeyay Sidasi si lamid ahna Muqdisho soo dhaweyn loogu Sameeyay fanaaniin badan oo qurbo joog ah aya hadana waxaa Waxaa xusid mudan in,uu ku xanuunsanayo fanaanka weyn Cabdi Tahliil Warsame oo aysan jirin cid Dowladda ka tirsan oo ka warqabta xaaladiisa.
Cabdi Tahliil Warsame ayaa ah fanaan Qiimo weyn ugu fadhiyo Bulshada Soomaaliyeed sida dad badan ay qabaan waxaana lagu xasuustaa heeso badan oo qiiro gelinaya shacabka Soomaaliyeed, hayeeshee iminka wuxuu ku aruuray sariir oo uu ku xanuunsanayo,isaga oo aan haysan daryeel caafimaad iyo qarash uu isku dabiibo.






