Paris (Caasimada Online) – Musiibo kale ayaa maanta ka dhacday badda Mediterranean-ka, kadib markii dooni sidday dhalinyarro Soomaaliyeed oo muhaajiriin ahaa ay ku degtay xeebaha Jasiiradda Mayooto, taasoo sababtay geerida in ka badan 30 qof.
Dhalinyaradan ayaa ku safrayay dooni yar, waxaana ay kusii jeedeen dhinaca iyo dalka Faransiiska, sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah ee haatan soo baxaya.
Dadka dhintay ee la xaqiijiyay waxaa kamid ah Fanaanaddii caanka ahayd ee Hodan Afrika, gabadheedii iyo 29 kale oo la socday doonta qarqoontay, taas oo ku degtay gudaha badda.
Doonta ayaa la sheegay inay la kulantay xaalad adag, waxaana la rumeysan yahay in inta badan ay dhinteen rakaabkii la socday oo dhammaan ahaa muhaajiriin ku socday Yurub.
Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa haatan bilaabay baaritaan rasmi ah oo lagu ogaanayo xogta shilkan halista badan dhaliyay ee ay ku dhammaadee dhalinyaradaasi.
Badda Mediterranean-ka ayaa sii ahaaneysa marin halis badan oo ay tahriibayaal badan isticmaalaan, iyaga oo doonaya in ay gaaraan qaaradda Yurub.
Qof walba oo safar halis ah gelaya waxa uu xambaarsan yahay rajo nololeed, balse mararka qaar rajooyinkaas waxa ay ku dhammaadaan geeri iyo go’doon.
Musiibadan waxay mar kale iftiiminaysaa baahida loo qabo xal waara oo ku saabsan tahriibka dhalinyarada, si looga hortago in noloshooda khatarta gelinayaan iyaga oo raadinaya nolol ka wanaagsan tan dalka. Dowladda, bulshada caalamka, iyo hay’adaha samafalka ayaa loo baahan yahay inay si wadajir ah u wajahaan arrinkan.

