Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho iminka ku sugan Wafdi ka socda Dowlada Ethiopia kuwaa oo la soconaaya Doorashada Somalia ee lagu ballansan yahay inay dhacdo 8, Feb, 2017.
Wafdigaani ayaa ka kala socda Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Sirdoonka dalkaasi Ethiopia, kuwaa oo kulamo qarsoodi ah magaalada Muqdisho kula qaadanaaya Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka ee u dhuun-daloola Siyaasada Ethiopia.
Wafdigaani ayaa degan Safaarada Ethiopia ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inay ku jiraan Khubaro kasoo qeybqaatay Doorashooyinkii hore.
Wafdigaani Dowlada Ethiopia ay usoo magacawday faragalinta Doorashada Somalia, ayaa ka kooban ilaa 6 Xubnood waxa ayna kulamo hordhac ah la qaateen Musharaxiinta ay wadato Dowlada Ethiopia.
Xildhibaanada ugu badan oo ay la kulmeen ayaa la xaqiijiyay inay yihiin kuwa laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed iyo Puntland, iyadoo ay qorshahoodu ay tahay inay soo saaran Musharaxiinta daacada u ah.
Sidoo kale, Wafdigaani ayaa waxaa liijaanka u haya Gen. Gebra oo faragalin toos ku haya Doorashada Somalia iyo guud ahaanba Siyaasada Somalia, waxa ayna tani caqabad ku noqon doontaa Musharaxiinta iyo Xildhibaanada isbedel doonka ah.
Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili maalmo un ka hor Xildhibaanada isbedel doonka ah ay ka digeen in codadka lasiiyo Musharaxiinta ay wadato Ethiopia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com