25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Farmaajo oo iska sheekeeyay: Dadku ma oga inaan ku dhashay xaafadii Isku raran oo taariikhi ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa si kooban uga hadlay taariikh nololeedkiisa mudada uu yaraa.

Farmaajo waxa uu sheegay inuu ku dhashay Xaafadii Isku raran ee magaalada Muqdisho muddo laga joogo 55 sano ka hor.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu tibaaxay in Xaafadii Isku raran ee magaalada Muqdisho ay iminka tahay mid aan jirin, balse ay xusid mudan tahay in loo bedelay dhul lagu nasto oo maalintii ay ku kulmaan boqolaal ruux, halkaa oo lagu magacaabay Beerta Nabadda.

”Waa la wada garanayaa magaceygu waa Maxamed C/llahi Maxamed Farmaajo, waxaan ku dhashay Xaafadii Isku raran ee magaalada Muqdisho oo aan sharci aheyn”

”Waxaan ku xasuustaa in dadkii degnaa Xaafadii Isku raran ay ahaayen kuwo is dul-dagan oo aan heysan nolol muuqata ama ku filneyd”

”Xaafadii Isku raran ee magaalada Muqdisho waxa ay aheyd xaafad taariikh ah oo la burburiyay 1970, waxaa arrin lagu farxa ah inaan laga dhigin goob xun balse ay tahay goob nabadeed oo lagu magacaabo beerta Nabadda.

”Muddo laga joogo 55 sano ka hor aabihii i dhalay ayaa kusoo qaxay magaalada Muqdisho xiligii gumeysiga Talyaaniga waxa ayna waxbarashadeydu tahay mid aan kusoo qaatay dalalka Mareykanka iyo Somalia”

”Waxaan ka baxay Jaamacadda Buffallo ee Gobolka New York, waxaan taariikhda galay intii u dhexeysay November 2010 ilaa June 2011 oo aan Ra’isul wasaare ka ahaa Somalia”

”Guusha aan waligee haminaayay waxa ay ii hirgashay 8 Febrayo 2017 oo la ii doortay Madaxweynaha Somalia oo aan hadda ahay”

Farmaajo waxa uu sheegay in iminka uu dalka ka bartay waxyaabo badan oo uusan la socon xiligii hore, oo u badan dhinacyada Siyaasada, Xuquuqda shaqaalaha, Amniga iyo Khilaafyada Umadda Soomaaliyeed meel waliba ku heysta.

Geesta kale, waxa uu cadeeyay inuu aad u jecelyahay ku noolaashada goobihii uu xili hore ku noolaa ama kusoo waxbartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News