Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa ugu danbeyntii hirgaliyay baaqii Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Baaqa Xasan Sheekh ayaa ahaa in Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia lagu hirgaliyo nidaam beeleedka iyadoo laga fogaanaayo waxyaabaha kala fogeynaaya Beelaha Soomaaliyeed.
Farmaajo iyo Jawaari ayaa maalmihii ugu danbeeyay isku Khilaafsanaa hanaanka lagu dhaqan galinaayo Liiska Golaha Wasiirada oo badi uu soo xulay Madaxweynaha Somalia, iyadoo Liiskaasi uu ka didsanaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Jawaari ayaa doonaayay inuu la imaado Liiska Xubnaha dhowr beel uga mid noqon lahaa Golaha kuwaa oo u badnaa Siyaasiyiin si dhow ula shaqeeya isla markaana ka tirsan Baarlamaanka Somalia.
Farmaajo ayaa isna doonaayay in Xubnaha Golaha Wasiirada lagu xulo baahida Beelaha Soomaaliyeed, waxa uuna ugu danbeyntii laalay Liiska uu soo xulay Jawaari.
Farmaajo ayaa ku socday hanaanka uu doonaayay Xasan Sheekh ee ah in lagu soo xulo Golaha Wasiirada, maadaama Farmaajo uu ka didsanaa in kacdoon uu kala kulmo Beelaha.
Khilaaf iyo Is qabqabsi maalmo qaatay kadib Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia ayaa isla gartay in Golaha lagu soo xulo qaab ka baxsan qaababkii hore, waxaana meesha laga saaray dhammaan Liiska dhaliyay muranka iyadoo Golaha laga soo dhex xulaayo Siyaasiyiin kale oo ku heeb ah isla kuwa la bedelay.
Dowlada cusub ee Somalia ayaa si KMG ah ugu sii shaqeyneysa Siyaasadii uu jideeyay Madaxweynihii hore ee Somalia, waxaana muuqaneysa in Farmaajo iyo Jawaari ay isla qaaten baaqa Xasan.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxda ugu sareysa ee Qaranka ayaa isla fahmay in Golaha Wasiirada lagu dhawaaqo ka hor inta aan la gaarin maalinta Khamiista ah, maadaama Madaxweyne Farmaajo uu socdaal shaqo ku gaari doono magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]