Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta soo saaray qoraal ah uu ku cambaareeyay xarigga Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo ka mid ah odeyaasha dhaqanka Gobolka Banaadir, kaas oo ay gurigiisa kasoo xireen ciidamada booliska Soomaaliya.
Farmaajo ayaa sheegay in Nabadoonka loo xiray in laga hortago guuxa dadweynaha iyo dadaalka waxgaradka ee ka dhanka ah ku takri-falka hantida danta guud, wuxuuna baaq deg-deg ah u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee dalka ayaa eedeeyay ciidamada soo xiray Nabadoon Xadool, wuxuuna tilmaamay in loo adeegsadeen dano shaqsiyadeed oo gaar ah.
“Waxaan cambaareynayaa xarigga iyo tacaddiga loo geystay Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo ka mid ah odeyaasha dhaqanka Gobolka Banaadir. Nabaddoon Xaadoole oo u kacay difaaca dadka nugul ee la barakiciyey ee ku dhaqan Muqdisho, waxa loo xiray in laga hortago guuxa dadweynaha iyo dadaalka waxgaradka ee ka dhanka ah ku takri-falka hantida danta guud. Arrinkani waxa uu muujinaya in laamaha amniga loo adeegsanayo dano shakhsiyadeed oo gurracan” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamd Farmaajo.
Waxaa kale oo uu baaq deg-deg ah u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ka codsaday inuu sii daayo Nabadoonka, si uu u helo xoriyaddiisa. Maxamed Farmaajo ayaa sidoo kale ku baaqay in laga waantoobo in cabashada iyo codka dadweynaha lagu wajoho caburin iyo xarig.
“Madaxweynaha waxaan ku adkeynayaa in degdeg loo sii daayo Nabaddoon Xaadoole, lagana waantoobo in cabashada iyo codka dadweynaha lagu wajoho caburin iyo xarig, taas oo dhaawacaysa dowladnimada iyo kalsoonida shacabka keeni kartana kacdoon khalkhal galiya xasiloonida dalka” ayuu mar kale yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu raaciyay “Sida ku cad qodobada 15aad, 18aad iyo 20aad ee Dastuurka kumeel gaarka ah, oo qeexaya xorriyadda kulanka, bannaanbaxa, cabashada iyo codsi wadareedka, waxa uu qof kasta xaq u leeyahay xorriyadda hadalka kana qeyb-qaato ama abaabulo kulammo uu ku muujinayo cabasho. Sidaas darteed waxaan ka digaynaa caburinta dadweynaha iyo ficillada noocaan ah ee lagu beegsanayo hormuudka bulshada”
Dhanka kale, Madasha Samatabixinta Mucaaradka ayaa xalay si kulul uga hadlay xarigga Nadoonka, iyaga oo si adag u cambaareeyay tallaabada ay qaadeen ciidanka soo xiray.
“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si adag u cambaaraynaysaa xarigga sharci-darrada ah ee lagula kacay Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud Xaadoole, oo ciidamada boolisku ka afduubteen hoygiisa, kadib markii uu si geesinimo leh uga hor yimid boobka iyo xaraashka dhulka danta guud ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,” ayaa lagu yiri bayaanka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.
Nabaddoon Xaadoole waa oday dhaqameed oo saameyn ku leh bulshada, wuxuuna codkiisa ku difaacayay hantida shacabka Soomaaliyeed, sida ay sheegeen xubnaha mucaaradka.