25.6 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Farmaajo oo digniin culus u diray saraakiisha iyo ciidamada AMISOM ee Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay tacadiyada ay ciidamada AMISOM u geystaan shacabka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa sheegay in dowladiisa ay la xisaabtami doonto dhammaan ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha iyo gobolada dalka, ee dhibta u geysta dadka shacabka.

Farmaajo ayaa sheegay in ciidamada AMISOM aysan awood u laheyn inay ku xadgudbaan shacabka, waxa uuna shaaca ka qaaday in loo baahan yahay inay muujiyaan taxadar.

Waxa uu sheegay in aysan aqbali doonin in Askarta Ciidamada AMISOM ay dhibaato u geystaan Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay tilaabo adag ay qaadi doonto kuwa dhibaateeya Shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna cadeeyay inay sameyn doonaan dhinacyo la xisaabtama shisheeyaha dhibta u geysta shacabka.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ciidamada AMISOM uga digay in ay sii wadaan dilalka Shacabka Soomaaliyeed.

Haddalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaaya xili ciidamada AMISOM ay u dhaqmaan si aysan u dhaqmin ciidamada dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News