29.9 C
Mogadishu
Sunday, June 8, 2025

Farmaajo oo diiday dalab madaxda maamullada u gudbiyeen oo ku wajahnaa xiisadda carabta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda mammal goboleedyada oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxay madaxweyne Farmaajo ka codsadeen in uu wax ka badalo mowqifka dowladda ay ka taagan tahay xiisada dalalka Khaliijka ee dowladda Qatar ku aadan.

Kullan ay madaxda maamulada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa madaxweyne Farmaajo si toos ah ugula hadlay arrimahaan iyagoo ka codsaday in madaxweynaha wax ka badalo siyaasadda ay dowladda ka taagan tahay xiisada khilaafka Khaliijka, muujiyana in dowladdu taageerto xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka hoggaamiyaan.

Wararka laga helaayo madaxtooyada ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu ka diiday qorshahaan seddaxda maamul goboleed oo xiriiro aad u fog la leh Imaaraadka Carabta.

Diidmada madaxweyne Farmaajo ee qorshaha ay usoo bandhigeen maamulada gobolada qaarkood ayeysan ku qancin, waxaase lagu balmay marka maanta lasoo gabagabeeyo shirka amniga in kulamo kale laga yeelan doono.

Maamulka Puntland ayaa dowladda Imaaraadka Carabta xiriir dhow la leh, iyadoona Imaaraadka la wareegtay dekadda Boosaaso, halka madaxweynaha Koonfur Galbeed uu qorsheynaayo inuu la saxiixdo heshiis midkaas la mid ah iyo Axmed Madoobe oo isna dekadda Kismaayo miiska u saaran.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News