Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo dhawaan uun dib ugu soo laabtay dalka ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah dowladda federaalka, isagoo kahor yimid qorshaheeda ku aadan doorashooyinka dalka.
Farmaajo ayaa si cad uga hoyryimid in shaqaalaha dowladda lagu cadaadiyo in si qasab ah ah ay uga mid noqdaan urur siyaasadeed gaar ah oo uu kala jeeday midka Madaxweyne ee JSP, kaas oo maalmahaan olole xooggan ka waday degmooyinka gobolka Banaadir.
Madaxweynihii hore ee dalka ayaa shaaca ka qaaday in arrintan ay ka hor imaaneyso shuruucda dalka iyo xeerka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliyeed.
“Muwaadinkan in lagu colaadiyo, shaqadiisiina laga qaado si loogu khasbo ka mid noqoshada urur-siyaasadeed gaar ah waxa ay ka soo horjeeddaa shuruucda dalka, xeerka shaqaalaha rayidka ah iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee xuquuqul iinsaanka,” ayuu yiri Farmaajo.
Sidoo kale, wuxuu cambaareeyay xarigga Kaamil Cabdi Macow oo hadda u xiran dowladda Soomaaliya, isaga oo sharci darro ku tilmaaya xarigga wiilkan dhalinyarada ah.
“Sida ugu adag ayaan u cambaareynaynaa xarigga sharci darrada ah iyo tacadiga lagula kacay Kaamil Cabdi Macow oo ka mid ah dhallinyarada u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dhallinyarada iyo dimuqraadiyadda, kaas oo dhowr maalmood si sharci darro ah ugu xiran magaalada Muqdisho,” ayuu sii raaciyay.
Waxaa kale oo uu ku baaqay in si deg-deg ah loo sii daayo Kaamil, isla markaana loo soo celiyo xuquuqdiisa shaqaalenimo oo uu sheegay in si qasab ah looga qaaday.
“Dowladda waxaan ku adkaynaynaa in ay degdeg u sii deyso muwaadinkan, loona so celiyo xuquuqda shaqaalenimo ee la duudsiiyey” ayuu qoraalka kusoo gabagabeeyay.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana la’isku hayaa hannaanka doorashooyinka oo uu ka taagan yahay khilaaf xooggan oo u dhexeeyo Villa Soomaaliya, Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka la baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.


