Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan ku heleyno wararka naga soo gaaraya Xarunta Villa Somalia Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa baajiyay casuumaad uga timid dalka Talyaaniga.
Madaxweynaha ayaa la sheegay in casuumadaasi ay u timid asbuuc ka hor, xili uu isku diyaarinaayay ka jawaabida casuumado kaga imaaday dalalka Sacuudiga, Jabouti iyo Qadar.
Madaxweynaha ayaa waxaa casuumadaasi soo gaarsiiyay Danjiraha dalka Talyaaniga ugu magacaaban Somalia.
Waxaan la ogeyn sababta ka danbeysay in Madaxweynaha uu uga gaabsaday casuumaada uga timid dhigiisa dalka Talyaaniga.
Dowlada Talyaaniga ayaa kamid ah dowladaha garabtaagan Somalia, waxaana xusid mudan in isgarabtaageda uu ku kooban yahay tayeynta ciidamada iyo bixinta gaadiidka loogu tallo galay ciidamada.
Waxaa suuragal ah in Madaxweynaha uu is raaciyo casuumadaha kaga imaaday dalalka Masar iyo Talyaaniga, maadaama safaradii hore ay qaaten inta badan wakhtigiisa.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa horay u galay 10 Safar oo uu ku kala baxshay dalalka
Sacuudiga, Kenya, Urdon, Imaaraadka, Turkiga, Ethiopia, London, Sacuudiga, Jabouti iyo Qadar.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]