Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada AMISOM ayaa maanta fadeexo weyn ka geystay garoonka ciyaaraha Muqdisho Stadium, kadib markii ay diideen inay halkaas booqasho ku tagaan wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo guddoomiyaha kubadda cagta Afrika.
Haddaba markii ay sidaas dhacday, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo farageliyay , wuxuuna ku qasbay inay ogoladaan in wafdiga halkaas booqdo.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu xiriir la sameeyay taliska AMISOM, isagoo amray in wafdiga loo ogolaado si degdeg ag inay galaan Garoonka, amarkaas oo wahadal kadib ay fuliyeen ciidamad AMISOM ee ku sugan Garoonka ciyaaraha ee Muqdisho oo hore u hos istaagay wafdi ka kooban saddex wasiir iyo guddoomiyaha kubadda cagta Afrika oo kormeer ku sameyn lahaa garoonkaasi kadib markii uu maanta Booqasho ku yimaaday Magaalada Muqdisho.
Wasiirada wafdigaan kamid ahaa ee loo diiday inay garoonka galaan waxaa ka mid ah: Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiija Maxamed Diiriye, Wasirka Amniga Maxamed Abuukar Islow, wasiirka Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi iyo guddoomiyaha CAF Axmed Maxamed.
Ugu dambeyntii wafdiga wasiirada iyo guddoomiyaha CAF hadda loo ogolaaday inay galaan Garoonka kubadda cagta ee Stadio Muqdisho, inkastoo halkaas loo diiday inay galaan saxaafadda.
Guddoomiyaha Kubadda Cagta Africa ayaa AMISOM ka codsaday inay si deg deg ah u faarujiyaan garoonka kubadda Cagta Muqdisho Stadium, si halkaas loogu qabto tartamada kubadda Cagta.
Ciidamada AMISOM ayaa maalmihii dambe bilaabay inay is hor istaag ku sameeyaan madaxda dowladda ee booqashada ku tageyso meelaha ay ka arrimiyaan, midaasna waxay noqoneyso caqabad weyn oo soo wajihi karto dowladda.