28.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

FARMAAJO oo maanta dhambaal soo saaray – Muxuu uga hadlay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo dhambaal soo saaray ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Danjire Shariif Maxamed Cumar oo ku geeriyooday magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qatar.

Famaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay ehellada marxuumka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna marxuumka u rajeeyay inuu ka wareebiyo Jannadii Firdowso

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay, Alle ha u naxariistee, Danjire Shariif Maxamed Cumar oo ku geeriyooday magaalada Dooxa ee dalka Qatar” ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay waayaha Danjir Shariif, isaga oo tilmaamay inuu ahaa diblomaasi muddo usoo shaqeeyay Soomaaliya, wax badana u qabtay dalka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran;-

Ogoosto 23, 2025: Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay, Alle ha u naxariistee, Danjire Shariif Maxamed Cumar oo ku geeriyooday magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Marxuumka oo ahaa diblomaasi muddo dheer usoo adeegayey ummadda Soomaaliyeed ayaa ka soo shaqeeyey safaarado kala duwan oo dalkeennu ku leeyahay dalalka caalamka, isaga oo Lataliyaha koowaad ka soo noqday safaaradaha aan ku leennahay dalalka Talyaaniga, Biljimka iyo Jarmalka, waxuuna safiir ka soo noqday dalalka Turkiga iyo Qadar.

Waxaan Allaah u weydiinayaa Marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Marxuumku.

- Advertisement -

Read more

Local News