27.4 C
Mogadishu
Saturday, June 14, 2025

Farmaajo oo safar deg deg ah ku aadaya Ethiopia isaga oo ka walaacsan Uhuru

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safar deg deg ah maalinta talaadada ugu baxaya dalka Ethiopia, halkaasi oo uu kula kulmi doono ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu Abiy Ahmed kala hadli iskaashiga Soomaaliya iyo Ethiopia, arrimaha gobolka iyo xiisadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Socdaalka madaxweynaha ayaa imanaya ayada oo maalmihii dhowaa uu madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ku sugnaa dalka Itoobiya, islamarkaana shalay ay isaga iyo Abiy wada tageen dalka Eritrea oo wada-hadallo saddex geesood ah ay kula yeesheen madaxweyne Isiais Afwerki.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in madaxweynaha Soomaaliy uu ka walaacsan yahay dhaq-dhaqaaqa Uhuru Kenyatta uu ka wado Ethiopia iyo Eritrea, iyo dacaayad iyo olole ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo uu billaabay

Caasimada Online ayaa shalay qortay walaac laga qabo shirka saddex geesoodka Abiy, Afwerki iyo Uhuru ee arrimaha gobolka oo aan looga yeerin madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo horey isaga iyo madaxda Eritrea iyo Ethiopia ay sameysteen isbahaysi saddex geesood ah oo dalalkooda ay isku kaashanayaan. Halkan ka aqri walkaas.

Si kastaba waxaa hadda muuqataa in Farmaajo uu qaaday weerar celis uu uga jawaabayo ololaha ka dhanka ah dowladda Soomaaliya ee Uhuru Kenyatta uu ka wado gobolka, xilli xiisadda labada dhinac ay meel-xun gaartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News