Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaciyay in is-faham hordhac ah lagu gaaray wada-hadallo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda uu hoggaamiyo ee Nabad iyo Nolol.
Wada-hadalladan oo garwadeen ka tahay beesha caalamka ayaa la doonaya in xal looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, taas oo mareysa meel xasaasi ah.
Farmaajo oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in dhinacyadu ay ku heshiiyeen in la sii wado hannaanka wada-hadalka loo dhan yahay, iyadoo la hiigsanayo xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed, amni iyo horumar baraare leh.
“Kulanka oo ku qabsoomay jawi deggan, waxa uu suurtageliyey in dhammaan dhinacyadu ay yeeshaan aragti isweydaarsi furan, hufan, isla markaana wax-ku-ool ah,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxa uu intaas kusii daray: “Dhinacyadu waxa ay Jamhuuriyadda Turkiga uga mahad celiyeen dowrka hagar la’aanta ah ee ay ka qaadatay fududeynta inta ay wadahadalladu socdaan.”
Wada-hadalladan ayaa waxaa Farmaajo ku metalayay guddi farsamo oo ka kooban illaa 7 xubnood, kuwaas oo u wakiishay inay uga qeyb-galaan wada-xaajoodkan xasaasiga ah.
Si kastaba, wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka ayaa shalay si gaar gaar ah ku bilowday, iyadoo diiradda lagu saarayo sidii xal waara looga gaari lahaa muranka siyaasadeed ee taagan, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ah.
Villa Soomaaliya ayaa weli ku adkeysaneysa doorashooyin qof iyo cod ah, halka mucaaradka ay iyana doonaya nooc doorasho oo cusub oo ay sheegeen inay ku bandhigi doonaan wada-hadallada hadda bilowday, si looga heshiiyo.


