Farmaajo oo si adag uga hadlay khilaaf siyaasadeedka ku sii baahaaya dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed ”Farmaajo” ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafyada dhanka Siyaasada ee xiligaan ka taagan dalka.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inuu aad uga xun yahay in xiligaan dalka uu galo xaalado Siyaasadeed oo heerkiisu sareeyo.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay in Siyaasiyiinta Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa Xasilooni Siyaasadeed iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

”Waxa khilaafyada wada waa siyaasiyiinta waxaan ka dooneynaa inay ka shaqeeyan xal siyaasadeedka dalka, suuragal maaha in dalka dib loogu celiyo khilaaf iyo muran dhexmara dhinacyada ay siyaasadu ka dhexeyso”

Farmaajo waxa uu cadeeyay inaanu muhiim aheyn in Khilaafyada jira ay ku baxaan dowladaha wakiilada ka jooga Somalia, maadaama ay cashir u noqon doonto dhinacyada uu khilaafka ka dhexeeyo.

Waxa uu Farmaajo intaa ku daray in Maamul goboleedyada looga baahan yahay in ay wada shaqeyn dhab ah la yeeshaan dowladda dhexe si guul looga gaaro Siyaasadda Soomaaliya.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Midnimadu waa muhiim, qof walba oo Soomaaliyeed waa inuu u taagnaadaa midnimada, marka aan isku duubannahay cidna nama soo dhexgeli karto, maamul goboleedyada waxaa looga baahan yahay in ay wada shaqeyn dhab ah la yeeshaan dowladda dhexe.”

Haddalka Farmaajo ayaa imaanaya xili khilaaf Siyaasadeed uu hareereeyay dowlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada ka jira dalka qaarkood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com