25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Farmaajo oo xil cusub u magacaabay agaasimihii hore ee madaxtooyada Puntland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia ayaa waxaa xilka looga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.

Agaasimaha Wasaarada ee xilka laga qaaday ayaa waxaa lagu magacaabaa Cabdulqaadir Sheekh Cumar, waxaana la sheegay in xil kale loo magacaabi doono.

Xil ka qaadista Agaasimaha ayaa waxaa howlwadeenada Wasaarada ku wargaliyay Wasiirada Haweenke iyo Xuquuqul Insaanka Deeqa Yaasiin oo iyadu la gaarsiiyay wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

Wasiirada ayaa sheegtay in Howlwadeenada wasaarada ay la shaqeyn doonaan Agaasimaha cusub ee lagu bedelay Cabdulqaadir Sheekh Cumar.

Agaasimaha cusub ee Wasaarada ayaa waxaa sidoo kale loo magacaabay Deeq Saleebaan Yuusuf oo ahaa Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Puntland.

Agaasimaha xilka laga qaaday ayaa la sheegay inay isku heeb yihiin Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llahi Farmaajo, waxa ayna xil ka qaadista la xiriirtaa awood qeybsiga.

Sidoo kale, Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Haweenka ayaa noqonaya agaasimihii ugu horeeyay ee digreeto Madaxweyne ku magacaabo Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa waxaa miiska u saaran liiska inkabadan 11 Agaasimi Wasaaradeed oo lagu bedeli doono Agaasimayaal cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News