Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa billaabay olalaha uu ku jirro in uu mar seddaxaad uu ku guuleesto doorashada maamulkaas oo lagu wada in ay dhacdo horaanta sannadka na soo aadan.
Faroole ayaa shaley tegay deeganka Caano-yaskax oo 90 km dhinaca Bari uga beegan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, wuxuuna halkaas kula kulamay dadka bulshadda ku dhaqan.
Sida ay lee yihiin wariyaasha Garoowe ku sugan, Faroole ayaa dadka kala hadlay in doonayo siddii uu wax uga qaban lahaa dhibaatooyin laga soo wariyay deegankaas oo ay ugu horeyso biyo la’aan.
Faroole ayaa loo sheegay in deeganka ay ka jirto baahiyo waaweyn sida Isbitaal la’aan iyo goobo waxbarasho oo ay u baahan yihiin ubadka ku nool deeganka.
Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in uu wax ka qaban doono baahiyaha ay sheegeen dadka ku dhagan deeganka Caano-Yaska wuxuuna ayagana u sheegay in ay ka faa’ideystaan mashaariicda horumarineed ee uu Midowga Yurub ka wado deegaannada maamulka Puntland.
Faroole ayaa sidoo kale dadka deegaanka ku baraarujiyay inay ka shaqeeyaan sidii ula dagaalami lahaayeen kooxaha xaalufiya deegaanka iyo weliba inay ka shaqeeyaan xoojinta nabadgelyada guud.
Si kastaba, Puntland iyo meelo badan oo caalamka waxaa ka billaabatay ololaha doorashada maamulkaas oo kolkan ka duwan wax badan kuwii hore.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Garoowe