25.4 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

C/raxmaan Faroole oo ugu dambeyntii oggolaaday arrin uu muddo diidanaa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in uu oggolaaday ka qaybgalka shirka ka dhacaya Garoowe oo ay ku baaqeen qaar ka mid ah musharixiinta Puntland.

Madaxweynaya ayaa shegay in uu diyaar u yahay in uu la kumo musharixiinta ay isku hayaan doorashadda Puntland oo lagu wado in ay dhacdo 8-da bisha Janaayo ee sannadka dambe, wuxuuna sheegay in uu oggolaan doono haddii looga guuleesto doorashadaas.

‘’Waxaan diyaar u ahay marka ay soo dhameestaan booqashadooda Garoowe, in aan halkan Madaxtoyada aan kula kulmo si ay u arkaan dhismahan oo ay u sii dhiirigeliso inay u tartamaan xafiiskan” Ayuu yiri Faroole.

Faroole ayaa sidoo kale ammaanay ciidank ammaanka Puntland oo uu sheegay in ay wax badan qabteen intii uu xilka hayay, wuxuu ka codsaday in ay ammaanka sii adkeeyaan maalamaha doorashadda ay socoto.

Madaxweye Faroole, ayaa ku celcliyay inaanu wax dhibaato ah u horseedi doonin dadka reer Puntland, haddii la xaqiijiyo in looga guuleystay tartanka Doorashada, sida uu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay inaanu noqon doonin nin maleeshiyo beeleedyo uruursada, oo dagaal sokeeyana ka dhex abuura deegaannada uu ka arrimiyo Maamulka Puntland.

Hadalka  Faroole ayaa jawaab u ah shir jaraa’id oo shaley Garoowe ku qabteen seddax ka mid ah musharixiinta Puntland kuwaasoo ku baaqay in madaxweyne Faroole iyo musharixiinta kale ay ka soo qabgalaan shirka dhacay Sabtida soo socota magaalada Garoowe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News