Gaalkacyo (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa daboolka ka qaaday in Puntland ay ku jirto xaalad khatar ah.
Faroole waxa uu sheegay in khatartaasi ay ka dhalatay dagaalka labada dhinac ah ee ku furan Puntland, waxa uuna tilmaamay in dagaalka noocaani ah uu halis yahay.
C/raxmaan Faroole waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la xaliyo colaadaha ku furan Puntland maadaama ay ka daaleen dagaal.
Dagaalada ku furan Puntland ayuu sheegay inay yihiin kuwo kaga furan dhanka Bari iyo Mudug, waxa uuna ku taliyay in la xaliyo dagaalka Mudug maadaama kan Bari uu yahay mid ka duwan kan Mudug.
Maamulada Puntland iyo Galmudug ayuu sheegay in looga baahan yahay inay xal waara ka gaaran maadaama ay yihiin maamulo deris ah.
Haddalka Faroole ayaa imaanaya xili maanta oo sabti ah magaalada Gaalkacyo uu ka socdo wadahadal u dhexeeya Puntland iyo Galmudug.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo