Faroole oo shaaciyay go’aankiisa ku aadan maamul u dhisida Kismaayo.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa ka hadlay arrinta iminka Soomaali badan ay aragtiyo kala duwan ka bixinayeen ee maamul u sameynta magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobolka.

Isaga oo ka hadlay salaadii ciidda kadib ee shalay, ayaa Cabdiraxmaan Faroole, waxa uu si cad u sheegay inuu taageersan yahay dhismaha maamul dadka deegaanka ay halkaasi ka dhistaan.

“Waxaan ku baaqayaa in dadka Kismaayo loo madax baneeyo dhismaha maamul ay ku qanacsan yihiin oo ay deegaankooda ka dhistaan”. Ayuu Faroole.

Waxa uu dhinaca Dowladda Somalia ugu baaqay inay dadka deegaan walba kala shqeyso sidii ay maamul ay ayaga ku qanacsan yihiin u dhisan lahaayeen.

Arrinta Kismaayo ayaa muddo ahayd mid dood badan ay ka dhalatay, ayadoo uu jiro maamul ay Kenya gadaal ka riixeyso oo la doonayo in halkaas laga dhiso, halka qaar ka mid ah beelaha deegaankana ay muujiyeen inaysan ku qanacsaneyd, ayada oo kuwa kalena ay taageersan yihiin.