26.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

FAROOLE oo si yaab badan u hadlay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay in uu mudan yahay in male loo doorto xilka madaxweynaha, maadama uu xog-ogaal u yahay arrimaha Puntland iyo Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Faroole oo saxaafadda kula hadlaayay Garoowe, ayaa sheegay in uusan jirin musharrax uga xog ogaal badan oo isku taagi kara doorashadda soo socotga ee ka dhaceysa Puntland horaanta bisha Janaayo ee sannadka dambe.

“Waxaan idiin sheegayaa in uusan jirin cid xog ogaal u ah arrimaha Puntland iyo Soomaliya oo aan ka ahayn anniga, maxaa yeelay waxaan hayaa wax badan oo dad badan aysan ogeyn, waxa jirra saluug badan oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya, anniga waxaan rabaa in ku dhammeesto annigoo ku howlaan horrumarka dalka Soomaaliya” ayuu yiri Faroole.

Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in uu ku kal soon yahay in markale loo doorto xilka madaxweynaha sida uu sheegay isagoona dhaliil u jeediyay musharrixiinta isku soo tagay doorashada Puntland.

Si kastaba, waa hadalkii ugu horreeyay ee ka soo baxa Faroole, oo ku aadan olalihiisa doorashadda, iyadoona hadda soo kordhayaan musharrixiinta isku soo taagay doorashadda Puntland.

Dadka wax qiimeeya waxa ay lee yihiin doorashadda Puntland ee sannadka dambe waxaa loo badinayaa in uu yimaado hoggaamiye cusub sida xaalka uu yahay marka loo eego.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News