26.3 C
Mogadishu
Monday, June 9, 2025

Faroole: Xaq ayaan u lee yahay inaan magacaabo guddiga xallinta khilaafka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) War goordhow na soo gaaray ayaa sheegay in madaxweynaha Maamulka Puntland uu ku dhawaaqay guddiga xallinga khilaafaadka doorashadda Puntland, taasoo lagu wado in ay dhacdo 8-da bisha Janaayo ee sannadka dambe.

Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlaayay xarunta madaxtooyada ee Garoowe ayaa sheegay in uu xaq u lee yahay in uu magacaabo guddigan, wuxuuna weerar afka ah ku qaaday qaar ka mid ah musharrixiinta isku soo toogtay doorashadda oo sheegay in uusan xaq u lahayn Faroole inuu magacaabo guddiga xallinta khilaafaadka maadama uu yahay musharrax.

Faroole ayaa sidoo kale ku celiyay in uu rajo fiican ka lee yahay doorashadda soo socota in uu ku guuleesto maadama uu yahay uu wax badan xog ogaal u yahay sida uu sheegay.

Haddaba Faroole ayaa guddigga uu magacaabay waxay kala yihiin:

1:Eng.Yuusuf Abshir Cadami Gudoomiye

2:Cismaan Guureeya Kaarshe Xubin

3:Egn.Maxamuud Axmed Xasan Xubin

4:Maxamed Cabdilaahi Faarax(Cillal) Xubin.

5:Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Diiriye Xubin.

6:Caaqil Abshir Cabdi-Raxmaan Caraale (Dhegacas) Xubin.

7:Caaqil Siciid Xasan Xaaji Yuusuf (Warabacade) Xubin

8:Maxamed Cabdiqaadir Cismaan Xoghayn.

Waxaa soo baxaysa walaac ku aadan doorashadda Puntland, waxaana musharrixiinta ay ku baaqayaan in la sameeyo guddi dhex-dhexaad si doorasho xaq ah ay uga dhacdo Puntland sannadka dambe 2-14-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News