25.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Farxaan Xidig iyo ergadii u codeyn laheyd oo qori caaradiisa lagu eryey

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ka dhacay Doorashada Aqalka Hoose ee beelaha Gobolada Waqooyi.

Xubnaha Doorashada ku loolamaayay ayaa waxaa kamid ahaa Fannaanka caanka ah Axmed Cabdi Faadhiye (Farxaan Xidig).

Farxaan Xidig ayaa sheegay in Doorashada ka socta magaalada Muqdisho ay tahay mid lagu kulmiyay musuq-maasuq iyo nin jecleysi, waxa uuna tilmaamay in qaab musuq ah looga guuleystay.

Farxaan Xidig waxa uu sidoo kale tilmaamay in xiligii uu Doorashada u tartami lahaa loo geystay Hanjabaad waxa uuna cadeeyay in qori lagu eryay.

Xidig waxa uu sheegay in nin lagu magacaabo Cabdi Maxamed Ismaaciil (Cabdi Buur) kana tirsan Saraakiisha Dowlada uu u isticmaalay awooda dowlada islamarkaana uu ku eryaday Qori sida uu haddalka u dhigay.

Sidoo kale, Xidig waxa uu cadeeyay in Ergadii dooran laheyd la kala diray isagoo aan garaneynin sababta ka danbeysay.

Arrintaani ayaa waxa ay kusoo beegmeysaa xili Doorashooyinka Aqalka Hoose ee ka socda dalka loo rogay Musuq.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News