Faysal Cali Waraabe oo Siilaanyo usii cayimay cadadka wasiirada uu soo dhisi doono haddii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah UCID ee maamulka Somalia Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay suuragalnimada in mar kale uu guuleysto Hogaamiyaha hadda haya talada maamulka Axmed Siilaanyo.

Faysal Cali waxa uu sheegay inay macquul tahay in mar kale uu soo laabto Siilaanyo, balse waxa uu cadeeyay inuu soo dhisi doono xukuumad kaduwan tan hadda jirta.

Feysal Cali waxa uu sheegay in qorshaha cusub ee Siilaanyo uu yahay inuu soo dhiso xukuumad ka kooban 18 wasiir oo u qalma hogaaminta maamulka.

Feysal Cali waxa uu tilmaamay in Xukuumada hadda jirta ee Siilaanyo ay tahay tan ugu tayada xun, balse waxa uu rajo ka muujiyay isbedelka cusub waa haddii uu soo laabto.

Sidoo kale, Faysal Cali waxa uu ka digay in haddii uu soo laabto Siilaanyo uu la imaado digtaatooriyad lamid ah tan iminka uu ku taliyo.

Haddalka Faysal Cali ayaa kusoo beegmaaya xili uu dhawaan sheegay inuu aad kaga soo horjeedo soo laabashada Axmed Siilaanyo.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com