Faysal Cali oo sheegay inuu xariga Xildhibaan Dhakool bad-baado u ahaa naftiisa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xariga xildhibaan Dhakool.

Guddoomiye Faysal ayaa wuxuu sheegay in xariga Xildhibaanka Dhakool loo maray sifo sharci daro ah, isagoona ku baaqay in nidaamka loo maro xarigiisa.

Faysal ayaa waxa kale oo uu sheegay in xildhibaanku uu dambi weyn ka galay Somaliland, loona baahanyahay in sharciga la hor-geeyo.

Faysal, ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xariga Xildhibaanka uu isaga u ahaa bad-baado, oo ay dili lahaayen dadku, isagoona saluug weyn ka muujiyey hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuuna yiri

“Xildhibaan Dhakool dambi weyn buu galay, dambiga isaga laga gallay waxa ka weyn ka uu dastuurka ka gallay, hadii aan la qaban dadka dili lahaa, ma tagi karo laascaanood oo walaalkii baa lagu dilay aano uu isagu sameeyey awgeed, laakin waxaanu leenahay nidaamka ha loo maro”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Saluug weyn baa laga qabaa madaxweyne Biixi siduu wax u wado, ha la kala saaro saluuga laga qabo Muuse Biixi iyo qaran dumisnimada, adoo ujeeda Muuse inaad qaranka dumiso maaha, Muuse waxaan leeyahay waxay Somaliland ku soo jirtay oo ay ku soo caano maashay tallo midaysan, is dhagaysi Iyo isku tanaasul, lagaa yeeli maayo taydu ha socoto”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com