Muqdisho (Caasimada Online) – Faysal Cali Waraabe ayaa dhaliil adag iyo weerar afka ah ku qaaday Xasan Sheikh Maxamuud, madaxweynaha Soomaaliya.
Faysal Cali Waraabe, ayaa ka digay in markale dib loosoo doortaa madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo sheegay in Soomaaliya dhibaato kale wajahi doonto haddii dib loo doortaa Xasan.
Faysal Cal, wuxuu ku eedeeyay Xasan Sheikh Maxamuud inuu iibsaday dalka Soomaaliya, haddii markale lasoo doortana ay tahay baaba’a dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
“Soo maaha ninkii dhulka oo dhan iibsaday? Maalintuu meesha qabsaday shilin muu haysanin, maantana dhulkii oo dhan buu iibiyay. Haddii uu idinku soo noqdana waa baaba’iina.” Ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
“JUbbaland yaa bixiyay, sow Xasan Sheikh, Yaa Banaadir xaqii ay laheyd duudsiiyay, Yaa Boosaaso iyo Garowe siiyay xaq aysan laheyn, waa isaga, intaasi iyo ka badan ayuu keenayaa haddii dib aad u doorataan”ayuu yiri Faysal.
“Dadkoo dhan waa ogyahay, Xasan dhibaataduu Soomaali u gaystay, weligeyd ka soo kaban mayso. Haddaad ugu celisaana waa Soomaali baaba’eeda.”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]