26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

FEYSAL CALI Waraabe: Madaxtooyada Somaliland ayaa iigu hanjabtay dil”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Feysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa ku eedeeyay ciidamada booliska maamulka Somaliland in ay ka dambeeyeen rasaas habeenkii xaley lagu furay mudane ka tirsan xildhibaannada Somaliland.

Feysal Cali Waraabe, ayaa si cad ah u sheegay in ninka rasaasta ku furay Maxamed Faarax oo ka tirsan UCID in uu bar garanaayo oo ay isku reer yihiin.

“Waxaan waa ay iska cad yihiin cida geesatay waa booliska, anniguna markii aan la hadlay Universal TV, waxaa ii hanjabay mas’uuliyiin ka tirsan madaxtooyada, arrintan waa caburin, waxaana dalkan u baahan yahay badbaado” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Eng. Feysal ayaa tilmaamay in Somaliland ay ku socoto wado halis oo u baahan in la badbaadiyo, wuxuuna intaas ku daray in ay xukunka isku baheesteen hal jufo sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland, Cali Maxamed Waran-Cadde oo wax laga weydiiyay falkii lagu rasaaseeyay mudanaha ka tirsan UCID ayaa sheegay in maalinta berri ah ay ka hadli doonaan.

Feysal Cali Waraabe ayaa dhowr jeer weerar afka ah ku qaaday maamulka uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, waxaana taasi ay keentay in laga reebo ergada Somaliland u mataleysay wadahadallada DF Somalia iyo maamulka Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]  

- Advertisement -

Read more

Local News