27.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Fiqi oo ka jawaabay dhawaaqa mucaaradka: Cid idiin soo baxeysa ma jirto

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa si adag uga jawaabay dhawaaqa caawa kasoo yeeray mucaaradka, kaasi oo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ugu adkeysteen qabashada banaanbaxa berri.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqday qabsoomida banaanbaxa looga soo horjeedo dowladda Xasan Sheekh, xilli ay socoto waanwaantii la doonayay in lagu baajiyo banaanbaxaasi, si aysan uga sii darin xiisadda taagan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ku goodiyay haddii dowladdu isku daydo is-hortaaga banaanbaxaasi ay lumin doonto xaqeeda u hogaansanaanta. “Haddii xukuumaddu is hor istaagto xaqaas Dastuuriga ah, waxaa meesha ka baxaya xaqa fulinta ee Dastuuriga ah ee loogu hogaansanaa.”

Fiqi oo u jawaabay mucaaradka ayaa sheegay in aysan jirin cid usoo baxeysa mucaaradka, oo diidan qabashada doorasho qof iyo cod. “Cid kuu soo baxaysa ma jirto,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Waxa uu intaas kusii daray “Xuquuqda dadka Gobolka Banaadir waxaa ugu horaysa in ay codeeyaan oo madaxdooda doortaan taas ayaadna diidan tihiin adiga iyo kuwa saldhigga Warta Nabadda weeraray.”

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadka gobolka Banaadir ay ka gudbeen markii siyaasi dano gurracan wataa uu ku adeegan jiray, taas oo uu xusay inay marqaati u noqonayso maalinta Sabtida ah.

“Haddii Xildhibaan Shariif iyo kooxdiisu ay wax ka mudaharaadayaan maxay uga mudaharaaadi waayeen sharabka dadka uu matalo ay ka mid yihiin ee kooxaha Khawaarijtu ay soo barakiciyeen,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Arrimahan ayaa imanaya xilli saacadihii u dambeeyay ay socdeen dadaallo waanwaan ah oo lagu dejinayo xiisadda, iyadoo guddi xildhibaanno ah oo kasoo jeeda beesha Hawiye ay la kulmeen hoggaanka mucaaradka.

Sidoo kale, waxaa fiidkii caawa guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed tegay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo ganacsadaha caanka ah ee Ibraahim Kaah iyo ganacsade Mursal Kadiye, kuwaas oo ku biiray dadaalada lagu qaboojinayo xiisada ka dhalatay bannaanbaxa ay ku baaqeen mucaaradka.

Dadaalada socda oo dhammaantood gundhig u ah baajinta bannaanbaxa, ayaa sida muuqata natiijo fiican laga gaarin, maadaama xubnaha mucaaradka ay ku adkeysteen qabashada banaanbaxa berri.

- Advertisement -

Read more

Local News