Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, oo isku soo sawiray gantaal weyn oo cusub oo Mareykanku soo saaray ayaa farriin hanjabaad ah u diray argagixisada ka dagaalameysa Soomaaliya.
Fiqi, ayaa si kooban u sheegay in wadahadal iyo tanaasul uusan jirin, isla markaana wadada kaliya ee dowladda u furan ay tahay dagaal.
“Ma jiraan wax tanaasul ah, ficil adag kaliya baa na horyaalla,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter (X).
Sawirka ayaa muujinaya in sarkaal ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Soomaaliya, uu Wasiirka u dhiibayo gantaalka uu soo raaciyey qoraalkaan.
Dowladda Soomaaliya, oo kaashaneysa saaxiibada caalamiga ah, ayaa maalmihii lasoo dhaafay wacdare ka dhigtay furimaha dagaalka, gaar ahaan deegaanka Bariire, halkaas oo lagu soo afjaray ciidan ka badan ‘hal urur’ oo Al-Shabaab ah.
Dagaalyahanadii Al-Shabaab ee Bariire lagu laayey ayaa markii hore go’aan saday inay magaalada ku faro adeygaan, iyagoo qotay godad waaweyn, balse waxaa loo rakibay gantaalo aysan weli horay u arkin iyo duqeyn diyaaradeed oo toos ugu socotay muddo toddobaad ah.
Taangiyada dagaalka ayaa sidoo kale Bariire ka dagaalamay, kuwaas oo Ciidamada Uganda ay wateen, waxaana lagu guuleystay in Al-Shabaab uusan hal askari u badbaadin oo gudaha deegaanka lagu wada laayo.
Maalmaha soo socda, dowladdu waxay qorsheyneysaa inay weerarto Awdheegle, halkaas oo Alshabaab ay qabsadeen dhowr bilood ka hor, hadii Awdheegle dib looga xoreeyo kooxda, waxay ka dhignaa doontaa inay si buuxda ugu jabtay gobolka Shabeellaha Hoose, oo gacantooda uu ka baxay gobolkaasi.


