Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo qoraal soo saaray ayaa ku jees-jeesay xubnaha mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, kadib markii ay ku fashilmeen inay qabtaan dibadbaxii ay muddada dheer qorsheynayeen ee looga soo horjeeday barakicinta shacabka.
Dibadbaxa ayaa qorshuhu aha in maanta uu qabsoomo, balse ma dhicin waxaana sidaan oo kale laba jeer oo hore loo baajiyay sababo amni, sida ay sheegeen xubnaha mucaaradka.
Fiqi ayaa qoraalkiisa ku sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay qaateen go’aan taariikhi ah, ayna iska diideen ka qayb-galka dibad-baxa, sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka ayaa sidoo kale shacabka ku amaanay wada shaqeynta dowladda iyo sida ay uga go’an tahay in la adkeeyo amniga caasimada.
“Waa mahadsan yihiin Shacabka Muqdisho oo maantay qaatay go’aan taariikhi ah, muujiyay taageerada ay u hayaan dawladooda, iska diiday in loo isticmaalo dano siyaasadeed iyo ujeedooyin gurracan. Shacabka Soomaaliyeed dawladoodu waxay ka shaqaynaysaa nabadooda, horumarkooda iyo in ay doortaan madaxdooda iyo cidda ku matalaysa siyaasadda,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dadka ku nool Muqdisho ay diyaar u yihiin inay u dareeraan doorashooyinka qof iyo cod ah, si ay usoo doortaan hoggaankooda beri.
“Horay ayaan u sheegnay in hal malyan oo qof oo Muqdihso joogtaa ay bisha soo socota doorasho u dareerayaan, aysanna u soo baxayn cid diidan xaqooda dastuuriga in ay helaan,” ayuu siii raaciyay wasiirku.
Si kastaba, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca mucaaradka oo ku aadan baaqashada dibadbaxooda, kaas oo qaban qaabadiisu dheeraatay, balse qabsoomi la’.