26 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Wasiir FIQI oo sheegay in laga hortegay in Al-Shabaab qabsadaan Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo maanta hortegay Golaha Aqalka Sare ayaa faah-faahin ka bixiyay jabka Al-Shabaab lagu gaarsiiyay howlgallada ka socda dalka, isaga oo sidoo kale soo hadal qaaday amniga caasimada.

Ugu horreyn wasiirka ayaa shaaciyay in ciidamada Xoogga dalka ay ka hortageen qorshihii Al-Shabaab iyo qiimeyntii lagu sheegay in ay qabsanayaan Muqdisho, sida ka dhacday dalka Afghanistan oo kale.

“12-kii bilood ee lasoo dhaafay waxay ciidamada dowladda muujiyeen naf-hurid iyo adkeysi waxay hakiyeen daadkii waynaa ee soo fatahmay oo adduunka ku qiimeeyay in sida Afghanistan ka dhacday loo qabsan doono caasimadda” ayuu yiri Wasiir Axmed Fiqi.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa xaq-u-dirirka ay muujiyeen naf-hurnimo isla markaana ay cashir u dhigeen kooxaha argagixisada ah ee dagaalka adag kula jira dowladda federaalka Soomaaliya.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in la fuliyay in ka badan 200 oo duqeymood, laguna laayay ku dhawaad 1000 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal ka tirsanaa Khawaarijta.

“Sanadkan bilowgiisii, tirada cadowga laga naafeeyay ayaa ka badan kuwii hore, ciidamadu waxay fuliyeen 220 duqeyn, kuwaas oo lagu dilay 868 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, waxaana ku jiray 52 horjooge” ayuu mar kale yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan dowladda Soomaaliya ay xoogga saartay dagaalka Al-Shabaab, waxaana mar kale ay bilowday guluf ka dhan ah kooxda oo haatan ka socda deegaannada maamullada HirShabelle, Galmudug, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Dowladda ayaa sidoo kale adkeysay amniga guud ee caasimada, waxaana la howlgeliyay ciidamada Booliska, kuwa NISA iyo Boolis Milataaro oo la geeyay daafaha Muqdisho.

- Advertisement -

Read more

Local News