Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya iyo Taiwan ayaa is dhaafsaday xayiraado socdaal oo ay saareen muwaadiniinta labada dhinac, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiin Soomaaliyeed Arbacadii. Talaabadan ayaa ka dhalatay khilaaf diblomaasiyadeed oo la rumeysan yahay inuu salka ku hayo aqoonsiga Taiwan ay siisay Somaliland, oo ah gobolka ka tirsan Soomaaliya oo isku dayaya inuu ka go’o dalka intiisa kale.
Axmed Macallin Fiqi, oo markii uu go’aanka soo baxay ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in dowladda Soomaaliya ay qaaday tallaabadan kadib markii Taiwan ay “furatay xafiisyo aan oggolaansho ka haysan dowladda federaalka,” taasoo uu ku tilmaamay inay tahay ku xadgudub madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Fiqi wuxuu intaas ku daray in xafiisyadaas aysan ahayn kuwo la ansixiyay oo ay ka hor imaanayaan siyaasadda Soomaaliya ee ku saleysan ilaalinta midnimada dhulka iyo madax-bannaanida qaranka. “Waa tallaabo aan la aqbali karin, waxayna dhaawaceysaa xiriirrada caalamiga ah iyo xurmada dowladnimo,” ayuu yiri.
Xayiraadda socdaalka ayaa dhabar jab ku ah xiriirka Taiwan la damacsaneyd inay la yeelato waddamada Bariga Afrika, iyadoo marar badan ay isku dayday inay xoojiso xiriirka gobolka, gaar ahaan Somaliland oo horey u sheegtay inay tahay dawlad madax-bannaan tan iyo sannadkii 1991.
Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa ku tilmaamay go’aanka Soomaaliya “nasiib darro” iyo “mid khatar ah.”
“Maamulka hawada sare looma adeegsan karo siyaasad,” ayuu yiri Aadan, isagoo waraysi telefoon ah siiyay The New York Times.
Go’aanka lagu mamnuucay muwaadiniinta Taiwan ayaa yimid shan maalmood kahor booqasho uu qorsheynayay inuu ku tago Somaliland wasiirka arrimaha dibadda Taiwan, sida uu sheegay sarkaal sare oo Somaliland ah oo codsaday inaan la magacaabin maadaama arrintu tahay mid xasaasi ah.
Toddobaadkii hore, wasiirka Taiwan Lin Chia-lung ayaa booqday Eswatini, oo ah dalka keliya ee Afrika ee si rasmi ah u aqoonsan Taiwan.
Sida ay sheegeen ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online, booqashadan ayey Dowladda Soomaaliya u aragtay mid miisaan culus oo saameyn togan siin karta Somaliland, sidaas darteedna laga hortagay.
Tallaabadan Arbacadii lagu dhawaaqay ma ahayn tii ugu horreysay ee Soomaaliya ay kusoo rogtay xayiraado socdaal. Sannadkii hore, dowladda federaalka ah ayaa diidday in dalka ay soo gasho diyaarad siday mas’uuliyiin Itoobiyaan ah, xilli ay taagnayd xiisad ka dhalatay heshiiska dekedda u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.