Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa weerar culus ku qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee ku haray Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.
Fiqi ayaa hoggaanka mucaaradka ku tilmaamay hoggaamiye kooxeedyadii ummadda laga dulqaaday 20 sano ka hor, kuwaas oo ajandahoodu yahay diidmada horumarka dowladnimada, sida uu hadalka u dhigay.
“Waa kuwa intooda badan deegaannadoodii Khawaarijtu haysato, 24 saacna ku dheggan ciidamada qalabka sida ee naftooda u huraya dalka, isuna beddelay afhayeenno Khawaarij,” ayuu Fiqi ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Fiqi oo maalmihii dambe ka daba qaatay mucaaradka, isagoo difaacaya dowladda uu ku tirsan yahay, ayaa sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ku dhaliilay sida ay uga aamuseen dhameystirka dhismaha Waqooyi Bari.
“Waa kuwii Axmed Madoobe isku caana shubay u hambalyeeyey, balse ku dhici la’ in ay u hambalyeeyaan dowlad-goboleedka cusub ee Waqooyi Bari! Waa kuwa ka hadli waayay markabkii Boosaaso lagu afduubtay, laakiin si weyn u buunbuuniyay oday cadaaladda la horgeeyey,” ayuu yiri.
Hoos ka akhri qoraalka Fiqi:
- Waa kuwii Axmed Madoobe isku caana shubay u hambalyeeyey, balse ku dhici la’ in ay u hambalyeeyaan dowlad-goboleedka cusub ee Waqooyi Bari.
- Waa kuwa ka hadli waayay markabkii Boosaaso lagu afduubtay, balse si weyn u buunbuuniyay oday cadaaladda la horgeeyey.
- Waa kuwa gogoshii wadahadalka loo furay oo qodobadii ay soo gudbiyeen markii la waafaqay ka doortay xasarad iyo buuq.
- Waa kuwa ku hanjabay qori iyo dagaal, diidanna horumarka iyo doorasho xor ah oo xalaal ah.
- Waa kuwa intooda badan deegaannadoodii Khawaarijtu haysato, 24 saacna ku dheggan ciidamada qalabka sida ee naftooda u huraya dalka, isuna beddelay afhayeenno Khawaarij.
- Waa kuwa dawladnimadooda ku dhiirran, balse jecel in ay isku taagaan mar walba isla markaana shisheeyaha u jilicsan.
- Badankood maamul-goboleedyadii ay ka soo jeedeen kama hadlaan horumarkiisa; taa beddelkeeda, laba nin oo fallaago ku ah dawladnimada iyo wadajirka ayaa hadalkooda waqtiga kaga dhammaaday.
- Waa kuwo u muuqaal eg hoggaamiye kooxeedyadii ummadda laga dulqaaday 20 sano ka hor, ajandahooduna yahay diidmada horumarka dowladnimada.
Ummaddu waxay fahamtay in madashoodu tahay mid aan xambaarsanayn ajande siyaasadeed iyo mustaqbal ummadeed midna, oo uun yawmigooda goosta!.