28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Fiqi oo soo afjaray weerarkii mucaaradku “Yahuud maa tihiin ayaa ka dhici doonta”

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –Siyaasiyiinta dowladda ku jira iyo kuwa mucaaradka ah ayaa bilaabay inay si adag isugu jawaabaan, saacadihii lasoo dhaafay hadalladooda ayaa qabsaday baraha bulshada, iyagoo toos isku weeraraya.

In la isku jawaabana waxay ka soo bilaabatay shirarkii jaraa’id ee ra’iisul wasaarayaal hore Kheyre iyo Rooble ay eedeymaha culus ugu jeediyeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada heshiiska la ah.

Waxaa ugu hadal adkaa wasiirka gaashaandhigga, Axmed Macalin Fiqi, oo si afag ugu jawaabay, Rooble, Kheyre, Cawad, Shariif iyo CC Shakuur, isagoo saf kala maray weerar uu uga jawaabayo eedeymo ay horay ugu jeediyeen dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu ka bilaabay Ra’iisul Wasaare hore Rooble, wuxuuna yiri, “Waad maqleyseen wixii Rooble ku hadlay, wuxuu yiri wadanka midnimadiisii ayaa khatar ku jirta, hadana wuxuu ku sii daray Somaliland waa saxan tahay horay ha u sii socoto, hadde sidaas ayuu u leeyahay, bal ninkaas ka warama?.”

Wuxuu ku xijiyey Ra’iisul Wasaare hore Kheyre, isagoo yiri “Ninkii Kheyre ahaa ayaa dastuur iyo in la ixtiraamo xaquuqda aadanaha ka hadlaya, waa ninkii habeen madow soo weeraray oo inuu dilo rabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waaba la yaabanahay dulqaadka CC Shakuur, waa ninkii Baarlamaanka Soomaaliya ciidanka soo geliyey, odagii Jawaari ahaa diyadiisa Kheyre ayaa galay ee Raxanweyn haka doonato.”

Xildhibaan Cabdirashiid Jilay oo eedeyntii Fiqi ee ku socotay Kheyre ee ku saabsaneyd geeridii Jawaari ayaa soo qoray, “Wasiirka dhabtii Waa ma xishoode Ciyaal Suuq ah Mooryaan ah, ka aradan dhaqanka soomaaliga ah iyo akhlaaqiyaadka diinta suuban ee islaamka ah. Waa Qaaqle aan waxbo xeerin, xishoon, Xitaa Xurmeeyn waaye marxuum dalka u soo shaqeeyay xaalado adag, muxtarimna ahaa!.”

Wasiir Fiqi oo sii wata weerarkii uu ku qaaday mucaaradka ayaa ku soo dhegay Sheekh Shariif, wuxuuna yiri, “Ninkii Sheekh Shariif ahaa waa saaxiibkey, laakiin runtii banaan-joogga ayaa ku dheeraaday, intaas ayaan ku dhaafayaa.”

Sidoo kale, Fiqi ayaa weeraray Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, isagoo yiri, “Horta Cawad sabab loo xushay oo Wasiir looga dhigay anigu ma garan karo, ninkaas qalbigiisu maba joogo waa iska maqan yahay, waa balaayo maskaxdiisu maqan tahay.”

Sababta uu Fiqi u weeraray wasiir hore Axmed Cawad ayaa loo arkaa inuu ka jawaabayey wareysi uu horay Cawad u bixiyey isagoo Fiqi, Sanbaloolshe iyo Juxa ku tilmaamay rag lamid ah Feysal Cali Waraabe.

Fiqi ayaa raggii uu u jawaabayey ku soo gabagabeeyey Cabdiraxmaan Cabdishakuur, wuxuuna yiri, “Ninkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ahaa ee dimoqraadiga ahaa ee Biritish Baasaboorka watay ee aqoonyahanka ahaa ‘Qof iyo Qori’ ayuu soo qoray, bal arka waxaas.”

Fiqi ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey hanjabaad uu mucaaradka u mariyey warbaahinta isagoo yiri, “Mucaaradku waa qaaqlayaal, qof qori Muqdisho ku qaadan karana ma leh, anigoo Wasiirka Gaashaandhigga ah ayaa dhahaya, waxaa ka dhici doonta Yaahuud maa tihiin xaqiidii, bootadaas waa dhammaatay.”

- Advertisement -

Read more

Local News