29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Wasiir Fiqi oo weerar culus ku qaaday Puntland: Markab sharci ah qaniimo ma noqdo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo khudbad ka jeedinayay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ka hadlay xiisadda ka dhalatay markabka hubka ee ay qabsatay Puntland, isaga oo weerar ku qaaday Deni iyo xukuumadiisa.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ku ceebowday qabsashada markabkaas, maadaama uu ku socday sifo sharci ah, wuxuuna tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay falkaas.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in federaalka loo adeegsanayo si qaldan, isla markaana loogu adeegayo daba-dhilifyo, sida uu hadalka u dhigay.

“Markab sharci ku socda oo badda maraya ayaa la qabsanayaa oo qaniimo lagu tilmaamayaa ceeb weeye; Federaalku ceeb ma leh laakiin si qaldan ayaan u adeegsanaynaa oo daba-dhilifnimo ah” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waa inaan ka kacno dalka la kala qaybinayo midnimadiisa la kala dhantaalayo, si aan u ilaalinno wadajirka bulshada Soomaaliyeed”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Puntland ay dowladda Xasan  Sheekhku eedeysay inay xiriir hoose la leedahay argagixisada caalamiga ah iyo burcad-badeedda. Eedeyntan culus waxaa warbaahinta soo mariyay Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab, oo ka mid ah shakhsiyaadka ugu dhaw Madaxweyne Siciid Deni.

Wasiirka ayaa sheegay in haddii Xasan Sheekh iyo kooxdiisu gacanta ku hayn lahaayeen xeebaha istiraatiijiga ah ee Puntland, ay “noqon lahayd hoyga argagixisada iyo xarunta maafiyada ka ganacsata hubka iyo maandooriyaha adduunka.”

“Bal qiyaas, maxay sameyn lahaayeen kooxda burcad-dowladeed ee qabsatay Villa Somalia, haddii ay gacantooda ku jiri lahaayeen xeebaha istiraatiijiga ah ee Puntland – Gacanka Cadmeed iyo Raasiga Caluula ee Badweynta Hindiya? Shaki kuma jiro in ay meel walba isbaaro dhigan lahaayeen, ama ay burcad-badeed iyo argagixiso caalami ah ka kireyn lahaayeen,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdiwahaab.

Si kastaba, khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland, oo markii hore ahaa mid shaqsiyeed, ayaa haatan isu beddelay mid dowladeed. Labada dhinac ayaa midba midka kale u jeedinaya eedeymo aan la socon caddeymo, iyadoo xiisadda uga sii dartay arrinta markabka hubka ah ee ay qabsatay Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News