Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Woqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Firdhiye ayaa maanta socdaalkiisii ugu horreeyey tan iyo doorashadiisii bishii August ku tegaya magaalada Muqdisho.
Firdhiye ayaa ku biiraya shirka Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada taabacsan, oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha doorashooyinka qof iyo cod, kuwaas oo muddooyinkii dambe muran xooggan ka taagnaa.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirka maamullada kala dhaxeeya ayaa waxaa ka qeyb-galay madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle.
Madaxda saddexdan maamul goboleed ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay ka biyo-diideen ololaha siyaasadeed ee deegaannadooda ee qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga dowladda ee JSP.
Xasan Sheekh ayaa hadda xoogga saaraya in aanu lumin dowlad-goboleedyada safkiisa ah, si ay dowladda federaalka ugu sii socoto hannaanka doorashadeeda ee qof iyo cod, oo weli si adag u diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamullada Jubaland iyo Puntland.
Dowladda Federaalka ayaa cagaha la gashay loolanka doorashada qof iyo cod, iyadoo xubnaha Madasha iyo hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland ay qorsheynayaan inay shirweyne ku qabsadaan magaalada, kaas oo la filayo inay uga dhawaaqaan in dalka la badbaadiyo, xilli ay bilooyin kooban ka harsan yihiin muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Si kastaba, socdaalka Madaxweyne Firdhiye ayaa imanaya xilli muddo bilo ah uu maamulkiisu sugayo in ay caleema-saarto Dowladda Federaalka oo iyadu dhistay.

