Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka helnay Xildhibaano ka tirsan BF Somalia, ayaa sheegaya in Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ay xusul duub adag ugu jirto kamid ahaanshaha Wasiirada Xukuumada Cusub ee Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.
Mudanayaal ka tirsan BF ayaa sheegay in haddii ay Fowsiy ay weyso xil Wasiirnimo, ay ololo ugu jirto sidii loogu magacaai lahaa safiirka Somalia u fadhiisan doona dalka dalka Mareykanka.
Wararka qaar ayaa iyagana sheegaya in Madaxweyne Xasan uu Fowsiya u muujiyey rajo ah in labaada xil midkood ay heli doonto, balse ballanqaadyada Xasan Sheekh ayaan marnaba ahayn kuwo la isku haleyn kaor.
Dadaalka Fowsiya ay ugu jirto Safaarada Somalia ee Mareykanka ayaa waxaa garab ku siinaaya qaar ka mid xildhibaanada ay isku beeshi yihiin oo taageero u muujiyey.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

