Gaadiid lagala soo goostay dhulka Soomaalida Ethiopia oo lagu qabtay Somaliland (Warbixin)

Hargeysa (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in deeganada maamulka Somaliland lagu qabtay gaadiid nooca waaweyn oo lagala soo goostay dhulka Soomaalida Ethiopia.

Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gawaari ka timid dhinaca dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia iyo dhalinyaradii waday.

Maamulka ayaa sheegay in Gaadiidkaasi oo dhowr ah ay ku qabteen deegaanada xaduudka ah ee togwajaale kuwaasi oo ay sheegen in lagala soo goostay dhulka Soomaalida.

Maxamed Muuse Diiriye oo ah Wasiir ku-xigeenka Amniga maamulka Somaliland ayaa sheegay in ciidamada amniga ay gacanta ku hayaan afar gaari, halka kuwo kale lagu hayo deegan kale oo aan sidaa uga suu fogen togwajaale.

Wasiir ku-xigeenka waxa uu sheegay inaanu jirin sabab iyo cadeymo ay ku socdeen wadayaasha gaadiidka, balse ay jireen xogo muujinaayay in gaadiid lagala soo goostay deegaanka Soomaalida ay kusoo fool leeyihiin Somaliland, sidaana ay gacanta ugu dhigeen gaadiidka.

Waxa uu sheegay in gaadiidka ay yihiin kuwo maamulka uu leeyahay balse aanu jirin sabab muujineysa inay ku socdaan gaadiidka.

Waxa uu sheegay Wasiirku in Somaliland ay adkeysay xaduudkeeda,isla markaana ay baaritaan ku hayaan gawaarida iyo dadkii ay qabteen.

Geesta kale, waxa uu sheegay inay jiraan hanta badan oo lagala soo baxsaday dhulka Soomaalida ay ka hortageen in lasoo galsho Somaliland, iminkana ay wadaan ka hortag.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com