GAAR: Damul Jadiid oo xaabsatay wasiiradii cusbaa + Magacyada.

Warar xog ogaal ah oo aan helnay ayaa muujinaya in golaha wasiirada cusub ee Somalia lagu dhowaaqi doono toddobaadkan gudihiisa.

Si kastaba, liiska cusub ee golaha oo sida la sheegay ka koobnaan doona kaliya 18 illaa 25, ayaa waxaa ku badan kooxda hogaanka u heysa siyaasadda Somalia ee Damul Jadiid, oo qaadatay xubnihii ugu muhiimsanaa.

Ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia, ayaa inoo sheegay in Damul Jadiid ay qaadatay wasiiro ay ka mid yihiin, arrimaha dibedda iyo gudaha, warfaafinta, waxbarashada, ganacsiga, maaliyadda iyo kuwo kale.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Amniga iyo Qaranka: Waxaa sida la sheegay loo magcaabi doonaa Cabdi Kariim Xasan Guuleed, oo kasoo jeeda Beesha Habar Gidir, Sacad, ahna mid ka mid ah dadkii aas aasay Damul Jadiid.

Wasaaradda Waxbarashada: Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Damul Jadiid, Faarax Cabdulqadir, ayaa lagu magacaabi doonaa wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta sare, in kasta oo wasaarad maaliadda uu sidoo kale doonayo, balse aan weli la go’aamin

Sida xogta aan ku helnay Mr. Faarax ayaa halgan culus u galay wasaaradda arrimaha dibedda, hase yeeshee madaxweynaha ayaa ku qanciyay in taasi aysan macquul ahayn, waayo Farax kama soo jeedo afarta beel ee weyn (Hawiye, Dir, Daarood iyo Digil iyo Mirifle, waana Beesha Reer Aw Xasan oo beelaha shanaad la xisaabiyo.

Wasaaradda Maaliyadda: Tani ilaa iyo hadda lama go’aamin, waxaana madaxweynaha uu isku dayayaa inuu keeno qof uu aad ugu kalsoon yahay, maadama ay tahay isha dhaqaale. Waxaa macquul ah in loo magacaabo Faarax Cabdul Qadir, haddii la waayyo qof la aamini karo oo kasoo jeeda beelaha waa weyn.

Wasaaradda ganacsiga: Waxaa loo dhiibi doonaa Maxamed Axmed Abtidoon oo hadda ah xogheynta madaxweynaha, kuna magac dheer Koofi Shabaq, waa Saleebaan, Habar Gidir.

Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha: Waxaa la siin doona qof ka iman doona dhowaan dibedda, oo kooxda ka tirsan, kaasi oo magaciisa aan helin, waxaa la sheegay inuu yahay Isaaq.

Wasaaradda Warfaafinta: Waxaa qaatay Dr Maxamed Nuur Gacal, oo kasoo jeeda Beesha Murusade, ee Hawiye.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda: Nooma suurta galin inaan helno magaciisa, waxaase la sheegay in la siin doono Majeerteen.

Waxaa kale oo jira rag kale oo iyana xilal wasiiro ah heli doona, inkasta oo aysan kala caddeyn, waxaana ka mid ah Jamaal Maxamed Baarow oo kasoo jeeda Beesha Jareerweyne iyo Faarax Cabdisamad, oo Ogaadeen ah, kana tirsan Damul Jadiid.

Wakiilkii hore ee Tv-ga Aljazeera Fahad Yaasin, oo ka mid ah Damul Jadiid, ayaa heli doona safiir dal carbeed, siiba dalka Qatar loo badaniyo, ama wasiir ku xigeen.

Dad kale oo aan kooxda ku jirin ayaa iyana dhowr wasiir oo isaga aamusi ah la siin doonaa.