Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta uu ka dhacay ka dhacay waddada ka baxda KM4 ee aada Aadan Cadde Airport.
Qaraxa ayaa lagu xiray gaari ay leedahay hayada UNDP, waxaana la sheegay in shaqaale hayada ka tirsan ay waxyeelo kasoo gaartay.
Ku dhawaad afar ruux oo ka mid ah shaqaalaha ayaa ku dhaawacmay qaraxa lagu xiray gaariga Qooqanta ah.
Gaariga hayada ayaa xalay la dhigay garaash ku yaala agagaarka hayada UNDP, waxaana uu ku qarxay inta u dhaxeysa Hotel Jazeera iyo xafiiska hayada.
Waxaa socdo baaritaano ay wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana goobta gaaray ciidamada nabad sugida Soomaaliya.
Dhinaca kale ciidamada hayada ayaa baaritaan ku wada garaashka, waxaana lala wareegay guud ahaa garaashka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]