Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho.
Weerarka oo loo adeegsaday gaari nooca loo yaqaan Isbaashiyo ayaa ka dhacay dhabarka danbe ee Isbitaalka Digfeer.
Weerarka ayaa waxaa lagu qaaday gaari uu watay Taliyaha ciidamada ilaalada Xarunta Wasaarada Gaashandhiga Cali Adan.
Taliyaha ayaa ka badbaaday weerarka kadib markii uu ka shakiyay gaariga Isbaashiyada oo ay la socdeen maleeshiyaad ku labisnaa dharka ciidamada Militeriga.
Xiliga uu weerarka dhacaayay ayaa waxaa sidoo kale la sheegay in Taliyaha uu kasoo rawaaxay shaqadiisa.
Ma jirto cid ilaa iyo hadda loo qabtay weerarka Taliyaha oo ahaa mid fool-ka-fool ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

