Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa sheegay in Heshiiskii dhexmaray DFS iyo Puntland uu leeyahay marqaati iyo marag, balse si loo sii ambaqaado Heshiiskaasi ay si gaar ah uga wada hadli doonaan DFS.
Gaas waxa uu sheegay in shirarka danbe oo ay isku arki doonaan Madaxda Dowlada Somalia, ay isku tusi doonaan waxyaabaha u baahan in la turxanbixiyo, islamarkaana suuragalin kara wadada Heshiiska DFS iyo Puntland lagu dhaqangalin lahaa.
Waxa uu Gaas sheegay in shaqsi ahaantiisa uu aaminsan yahay in Heshiiska Garoowe uu saadaal wacan u noqon doono dhammaan Umadda Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in dhidiba u aasida Heshiiskaasi uu ka dhici doono magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia kaasi oo daba-socon doona shirka DFS iyo Maamulada dalka.
Gaas waxa uu sidoo kale tibaaxay in shirar kaasi lamid ah ay ka kala dhici doonaan Garoowe iyo meelo kale, waxa uuna shaki galiyay in Heshiiskaasi Garoowe ay ka hor imaan karto Dowlada Somalia.
Docda kale, C/wali Gaas waxa uu ka digay in Heshiiska Garoowe lagu carqaladeeyo shirarka ka furmi doona magaalada Muqdisho, inkastoo uu ku faanay in Heshiiskaasi uu leeyahay damaanad.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

