Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas oo Habeenimadii xalay ku hoyday Qasriga Somalia, ayaa ka hadlay Ujeedka Socdaalkiisa ee magaalada Muqdisho.
Gaas oo si qoto dheer uga hadlaayay Socdaalkiisa ayaa sheegay inuu yahay mid ku qotoma shirka Madasha Wadatashiga qaran ee hoggaamiyayaasha National Leader Forum ee looga hadlayo doorashooyinka 2016-ka.
Waxa uu sheegay in Shirka uu noqon doono mid lagu go’aamiyo qaabkii loo wajihi lahaa doorashada, maadaama Puntland iyo Dowladda Federaalka oo iyagu awal ku muransana habka loo marayo doorashada 2016 ay heshiis ka gaareen.
Waxa uu intaa raaciyay in shirka ay barbar socon doonto Kulamo gaar gaar ah oo ay DFS kala xaajoon doonaan Mowqifyada Puntland, isaga oo sheegay in Madxaweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxda kale ee DFS ay sharaxaad kasiin doonaan waxa uu ahaa Heshiiskii ka dhacay Garoowe ee labada dhinac ahaa.
”Ujeedka ugu weyn waa in xal muuqda loo helaa qaabka Doorasho, Shirkeenu waa mid ku jaan go’an wada tashiga doorashada 2016, waxaan rajeyneynaa in mudada shirka uu socdo inaan Dowlada Somalia sharaxaad kasiino Mowqifkeena waayo madasha Heshiiska waxaa ka maqnaa mas’uuliyiin dhowr ah oo aan xiligaasi nala joogin”
C/wali Gaas ayaa ka faaruqi la ku celcelinta Mowqifka Puntland taasi oo uu ku muujinaayo in Maslaada Puntland ay mar waliba tahay mid muqadas ah.
Puntland ayaa xitaa haddii loo rumeeyay Mowqifkeeda ku saleysnaa maslaxadeeda gaarka ah aan wali ka quusan inay DFS ku cadaadiso Siyaasada taagan, waxa uuna Gaas wali ku adkeysanayaa in DFS uu uga warbixin doono Mowqifkooda.
Dhanka kale, Shirka ayaa noqonaya mid lagu go’aamin doono qaabkii loo wajihi lahaa doorashada, maadaama Puntland iyo Dowladda Federaalka oo iyagu awal ku muransana habka loo marayo doorashada 2016 ay heshiis ka gaareen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com