25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Gaas oo ka duulaya Garowe xilli xiisad ka jirto Puntland kuna socda…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas uu qorsheynayo inuu ka duulo magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya madaxweyne Gaas inuu ku wajahan yahay dalka Imaaraatka Carabta, halkaasi oo uu iminka ku sugan yahay madaxweynaha HirShabeele.

Ujeedada Safarka Gaas ee Imaaraatka ayaanan la shaacin ilaa iyo iminka waxa uu ku saleysan yahay, balse Gaas ayaa maalmo ka hor ka yimid dalkaasi.

Madaxweyne Gaas ayaa marar badan safaro ku tagay dalka isku taga imaaraatka carabta oo la aamisan yahay inuu waddo isku xirta Soomaalida.

Imaaraatka Carabta ayaa gaadiid dagaal oo kala duwan ugu deeqay maamul goboleedyada ka dhisan Soomaaliya iyo dowlada Soomaaliya.

Safarka Gaas  ayaa kusoo aadaya iyadoo xiisad amaan ay ka jirto deegaanada dhanka xeebaha ee Puntland, dagaalana ay ka socdaan galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News